Malaaq kasoo jeeday Koonfur Galbeed oo lagu dilay Boosaaso

Boosaaso

Malaaq Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi oo ka mid ahaa isimada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka lagu dilay magaalada Boosaaso.

Dilka ayaa dhacay xilli uu Malaaq Ibraahim kasoo baxay masjid aan gurigiisa ka fogayn oo ku yaalla xaafadaha Biyo Kulule ee bariga magaalada Boosaaso.

Qaar ka mid ah laamaha ammaanka ee gobolka Bari, oo ay VOA wax ka waydiisay cidda ka danbaysay dilka Malaaqa, ayaa sheegay in ay baaritaan ku jiraan oo aysan xilligaan ka hadlayn dhacdada.

Jimcihii lasoo dhaafayna waxaa gurigiisa lagu dhexdilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa guddoomiyaha bulshada Soomaali Galbeed ee Puntland.

Suldaan Maxamed Guudle Xuseen, oo ka mid ah Isimada Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac waxaa uu ugu warramay sida dilka Malaaqu u dhacay.

Your browser doesn’t support HTML5

Malaaq kasoo jeeday Koonfur Galbeed oo lagu dilay Boosaaso