Ergayga gaarka ha ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Augustine Mahiga ayaa booqasho ku tagay Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxda DKMG
Danjire Mahiga ayaa booqasho hal maalin qaadatay ku tagay Muqdisho. Mahiga ayaa la kulmay madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul-wasaare Farmaajo. Kulankan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorshaha siyaasadeed ee ku saabsan waqtiga u hadhay DKMG iyo diyaarinta Dastuurka.