Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray askar cusub, una baxay Eritrea

Ciidamada Danab

Madaxweynaha Soomaaliya Xaasan Sheekh Maxamud ayaa maanta tababar ugu soo xiray Garoonka Bellidogle ee Gobolka Shabelelada Hoose cutubyo ka tirsan ciidamada Komandosta Danab oo uu Mareykaku tababaray.

Ciidanka tababarka qaatay ayaa ka koobnaa 150 saraakiil-xigeen iyo 200 leyli-sarkaal, oo la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka.

Madaxweynaha ayaa munaasabaddaas kadib u dhoofay dalka Eritrea, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah. Warbixintan waxaa magaalada Muqdisho ka soo diray Cabdicasiis Axmed Barrow.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray askar cusub, una baxay Eritrea