Madaxweyne Xasan oo booqasho ku tagay Kismaayo

Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubaland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha uu u kuur-galayo xaaladda deegaannada Jubaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa horey u booqday Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.

Warbixintan waxaa inoo soo diray Aadan Maxamed Salaad.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne Xasan oo booqasho ku tagay Kismaayo