Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Muqdisho soo gaaray 

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta booqasho rasmi ah oo 3 maalmood ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Geelle ayaa loo gudbiyay Villa Soomaaliya, munaasabad kooban oo soo dhaweyn ah kadib, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray kahor imaatinka madaxweynaha Jabuuti.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale si wadajir ah xarigga uga jari doona xarunta cusub ee Akeddeemiya Goboleedka Af-Soomaaliga, sida ay sheegtay xaruntu.

Warbixintan waxaa Muqdishu inooga soo dirtay Seynab Abuukar.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Muqdisho soo gaaray