Toddobaadkan waxaa magaalada Muqdisho ku soo gabagaboobay Madasha Aragti-wadaagga 7-aad, wejigeedii 2-aad ee Machadka Cilmi Baarista ee Heritage.
Wajigii hore ee madashan ayaa bishii December ee sannadkii tagay ka dhacay dalka Djibouti, kaasoo loo hakiyay geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo ka qeyb galayaasha ka mid aheyd.
Madasha ayaa diiradda lagu saarayay Kobcinta Dhaqanka Nabadda ee Geeska: Horumarinta Heshiisiinta iyo Wadajirka Bulshada Soomaaliyeed.
Cabdi Casiis Barroow ayaa warbixintan nooga soo diray Muqdisho.
Your browser doesn’t support HTML5
Madasha Aragti Wadaagga 7-aad ee Heritage oo lagu soo geba-gebeeyey Muqdisho