Maamulka G/Banaadir oo billaabay howlgallo ka dhan ah ganacsiga maandooriyaha
Yuusuf Madaale
Muqdisho —
Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa ballanqaaday inay la dagaalamayaan dadka ka ganacsada maandooriyayaasha kadib hawlgal ay ka sameeyeen Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta xalay hor kacaysay hawlgalka ay sameeyeen ciidamada amniga.