Maalqabeen Sacuudi ah oo Muqdisho Booqday

Maalqabeen Sacuudi ah oo Muqdisho Booqday

Maalqabeen u dhashay dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo al-Waleed Bin Dalaal Bin Cabdicasiis ayaa maanta safar ku tagay Muqdisho. al-Waleed ayaa soo booqday xeryaha barakacayaasha iyo isbitaallada isagoo soo qiimeeyay heerka macluusha haysata dadka halkaasi ku nool.

Maalqabeenkan wuxuu sheegay in diyaar u yahay inuu gacansiiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Malqabeenkan ayaa dhinaca kalena la kulmay madaxda DKMG ee Somalia.