Wararka ka imanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubba Hoose ayaa sheegaya in lix qof oo Kenyan ah halkaas lagu dilay maanta oo Jimce ah.
Dadkan la dilay ayaa ahaa ganacsato u tallaabay dhinaca Soomaaliya si ay dukaamadooda u furtaan, waxaana rasaas ku furay rag wajiyada soo xirtay oo gaari saarnaa.
Maleeshiyada al-Shabab ayaa lagu tuhunsan yahay inay dilka gaysteen.
Wariyaha VOA-d ee Gaarisa Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan soo diray.