Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiinta magaalada Jalalaqsi ayaa u sheegay VOA in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay bar kontorool oo laga hubiyo baabuurta u socota buundada magaalada. Baabuurkaas ayaa qaraxiisa uu burburiyey dhisme ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta magaalada.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa VOA u sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.
Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa u sheegay idaacadda VOA in qarax loo adeegsaday mooto bajaaj lagu dhuftay buundada magaalada ee kormarta webiga Shabeelle.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa. Qaraxa waxa uu sidoo kale burburiyey qayb ka mid ah buundada oo uu dalooliyey.
Labadaan qarax ayaa u muuqda kuwo qorshaysnaa in lagu burburiyo buundooyinka magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi xixlli ay gobolka Hiiraan iyo gobollada ku dhow ay ka socdaan abaabullo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda labada qarax.
Weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane ayaa qaraxyadan ka waraystay Gudoomiyaha degmada Buloburte Axmed Mahad Nuur.
Your browser doesn’t support HTML5
Qaraxyo ka dhacay Buulo-Burde iyo Jalalaqsi