Laacibkii hore ee kooxaha Barcelona iyo Inter Milan Luis Suarez, oo ahaa ciyaaryahanka kaliya ee u dhashay Spain ee ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa geeriyooday isaga oo 88 jir ah, sida ay sheeciyeen labada kooxood Axadda maanta ah.
Suarez, oo ku biiray Barca 1955, ayaa ku guuleystay Ballon d'Or, oo abaal marinta ugu qiimaha badan kubadad cagta ee ciyaaryahan la guddoonsiiyo, kadib markii uu la qaaday horyaal iyo koob laba jeer ah kooxda Catalan sannadkii 1959.
Waxa uu sidoo kale 32 kulan u saftay Spain, waxaana uu ka mid ahaa kooxdii ku guuleysatay Koobka Qaramada Yurub 1964kii.
Suarez ayaa ku biiray Inter 1961dii, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo Seri A ah, labo koob oo Yurub ah iyo labo koob oo Intercontinental Cup sagaalkii sano ee uu joogay Milan.
Kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha sannadkii 1973, Suárez wuxuu sii waday inuu tababare u noqdo Inter, Deportivo La Coruña, Cagliari iyo SPAL.
Reuters.