Kooxda Al-Shabaab Oo Qabsatay Marka

Marka, Somalia

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qabsaday magaalada kadib markii ay ka baxeen ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta barqadii la wareegey gacan ku haynta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa magaalada soo galey ka dib markii ay saaka ka baxeen saaka ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Amisom oo la sheegey in ay ku sugan yihiin deegaanka Shalanabood.

Ka bixitaanka ciidamada Amisom ee Marka, ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyey afhayeenka gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino.

Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ciidankan ay magaalada ka baxeen kadib markii ay “Waayeen xuquuqdooda, islamarkaana ay cabasho badan ay kaga timid shacabka magaalada”.

Weriyaheena Jamaal Axmed Cusmaan ayaa wareystay Maxamed Xuseen Shiino.

Your browser doesn’t support HTML5

Al-Shabaab oo qabsatay Marka