Kenya oo Qabatay dad lala Xiriirinayo Alshabaab

  • Abdulaziz Osman

Kenya oo Qabatay dad lala Xiriirinayo Alshabaab

Booliiska Kenya ayaa qabtay dad ay ka mid yihiin kuwa u dhashay Yemen iyo Syria, iyaga oo la sheegay in ciidamo u qorayeen Alshabab

Booliska Kenyan ayaa qabtay shan qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab ee dalka Somalia.

Mas’uuliyiinta ayaa rumaysan in shantan qof ay dad qorayeen si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in shantan qof ee laga shakisan yahay dhowr maalmood ka hor lagu qabtay meel u dhow magaalada xeebta ah ee Lamu. Shantan qof oo ay ku jiraan qaar u dhashay Yemen iyo Syria ayaa loo duuliyay magaalada Nairobi si ay su’aalo u weydiiyaan ciidamada booliiska ee la dagaalladama argagixisida.

Bilihii u danbeeyay, ciidamada bileyska Kenya ayaa ka digay in Al-shabaab ay qorsheysay inay weerarro ka geysato gudaha Kenya. Bileyska Kenya waxay sheegeen in sababtay ay al-Shabaab ay u bartilmaameedsanayso Kenya ay ugu wacan tahay iyadoo Kenya ay taageertay dowladda KMG ee Somalia dagaalka ay kula jirto kooxaha mucaaradka.