Jawaari: Waa la Soo Afjarey Moshinkii

guddoomiyaha baarlamaanka, Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in la soo afjaray moshin-kii ka dhanka ahaa madaxweynaha loona gudbay marxalad wadahadal. Waxa uu War saxaafadeed uu soo saaray Maxamed Cismaan Jawaari ku sheegay in loo gudbay wada hadal.

Waxa uu Md. Jawaari sheegay in kulan looga hadlayo arrimahaasi uu dhici doono 7-da bisha October ee soo socota, kulankaasi oo ay ka qeyb gali doonaan xubno xildhibaanno ah oo madaxweynaha hore u eedeyay iyo kuwa taageersanba, madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo reysal wasaaraha.

Waxa uu guddoomiyaha baarlamaanka intaasi ku daray in aanay jirin maanta iyo wixii ka dambeeya mowshin ka yaalla madaxweynaha Soomaaliya.

Horre, ayaa waxa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ugu eedeeyeen madaxweynaha arrimo badan oo is biirsaday, waxay ka geeyeen mooshin ay xilka uga qaadayaan, taas oo sababtay in xildhibaanno kale ay iyaguna ka soo horjeestaan arrintaasi.

Madaxda baarlamaanka, ayaa u istaagay xallinta khilaafaadkaasi, waxana hadda sida muuqata ay ku guuleysteen in arrinta wada hadal lagu dhammeeyo.