Ismaaciil Buubaa oo geeriyooday

Buubaa

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Hurre Buubaa ayaa geeriyooday maanta sida ay sheegtay idaacadda dawladda Soomaaliya.

Ismaaciil Maxamed Hurre ayaa jagooyin kala duwan kasoo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya.

Ismaaciil Buubaa ayaa dawladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen. Sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Telefiishanka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ismaaciil Buubaa uu ku dhintay dalka Turkiga.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo ka tacsiyeeyey geerida Buubaa, ayaa sheegay "inuu kaalin mugleh ka soo qaatay midnimada, dowlad-dhiska iyo isku haynta ummadda Soomaaliyeed."

Haddaba Sahra Cabdi Axmed ayaa taariikhda marxuumka ka waraystay wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisalama Hadliye Cumar.

Your browser doesn’t support HTML5

Ismaaciil Buubaa oo geeriyooday