Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa qabsaday Idaacadda iyo TV-ga Hornafri ee magaalada Muqdisho. Maleeshiyadan ayaa qaatay dhamaan qalabkii idaacadda, gaar ahaan FM-yadii Hornafrik, Capital Voice iyo qalabyo kale oo ay leedahay wakaaladda Reuters. Maleeshiyadan ayaa shaqaalaha idaacadda ku amray inay dhiibaan furayaasha xafiisyada idaacadda. Dhinaca kalena, maleeshiyada Xisbul-Islaam ayaa la wareegay xarunta idaacadda GBC ee Muqdisho. inkastoo aysan maleeshiyadan qaadan qalabkii Idaacadda oo ay sii shaqeynayso balse hadana waxaa xarunta idaacaddaasi ku hareeraysan maleeshiyada Xisbul-Islaam, iyagoo ku amray in idaacaddu ay wixii imika ka danbeeya ku hadasho afka ururka Xisbul Islaam. Dowladda KMG iyo ururada Saxaafadda Madaxa-banaan ayaa si weyn u canbaareeyey falalka lagula wareegay idaacaddaha Horn-afrik iyo GBC.
Idaacaddaha Horn-Afrik iyo GBC oo lala wareegay
Idaacaddaha Horn-Afrik iyo GBC oo lala wareegay
Kooxda Al-shabab ayaa qalabkii ka qaatay idaacadda Horn-Afrik ee Muqdisho. Sidoo kale Xisbul-Islaam ayaa la wareegay idaacadda GBC Muqdisho.