Clinton oo la Kulantay Madaxda Soomaalida

Xogyahayaga Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa magaalada Niarobi kulan kula qaadatay hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Hillary Clinton madaxda ay la kulantay oo ay ku jiraan madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra'iisul-wasaaraha waxay u sheegtay in Maraykanka ay dhiiri-galinayso horumarka ay saxiixayaasha road-mapku sameeyeen ee ku aadan xilliga kala guurka, waxayna ku boorisay inay lama huraan tahay inay dhameystiraan dhamaan howlaha looga baxayo KMG.
Madaxda Soomaalida ayaa Hillary Clinton uga mahadceliyay taageerada Maraykanku, iyagoo u sheegay inay ka go'an tahay inay soo afjaraan xilliga kalaguurka.

Kulanka Clinton iyo Madaxda Soomaalida

Warbixinta oo dhamaystiran halkan hoose ka dhagayso.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta