Haweenka Muqdisho oo dhigay dibadbax kadib markii rag ay dileen xaasaskooda

Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho shalay ka dhacay dibad-bax ay sameeyeen qaar ka mid ah dumarka ku nool caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo caddaalad u raadinaya laba dumar ah oo la sheegay in ay dileen raggii ay u dhaxeen.

Dumarkaan ayaa dowladda Soomaaliya usoo jeediyay in labada eedeysane ee falalkan ka dambeeyay la horkeeno garsoorka, si qoysaska ay ka baxeen labadaasi gabdhood ay caddaalad u helaan.

Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan kasoo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Haweenka Muqdisho oo dhigay dibadbax kadib markii rag ay dileen xaasaskooda