Hargeysa: Olole ka Dhan ah Qabyaalada

Magaalada Hargeysa

Furitaankii ololahan, ayaa waxaa ka soo qayb galay abwaano iyo masuuliyiin ka kala socday xukuumadda iyo baarlamanka oo uu hor kacayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Magaalada Hargeysa waxaa xalay lagu daah furay ololale loogu dhaq dhaqaaqayo sidii loo cidhib tiri lahaa qabyaalada kaasi oo lagu wado in muddo shan sano gudoahood ah ay qayb ka noqdaan labaatan kun oo qof oo qabyaalad diid ah.

Furitaankii ololahan, ayaa waxaa ka soo qayb galay abwaano iyo masuuliyiin ka kala socday xukuumadda iyo baarlamanka oo uu hor kacayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Waxaa halkaas lagu soo bandhigay saamaynta ay qabyaaladdu ku leedaha bulshada iyo sida looga bixi karo.

Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac oo goob joog ka ahaa ayaa warbixintan nooga soo diyaariyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Ololaha ka dhanka ah Qabyaaladda