Halkee marayaa dib u dhiska suuqii gubtay ee Waaheen?
Hargeysa —
Dib u dhiska suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ayaa meel fiican maraya sannad ka dib markii uu gubtay.
Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha dhismaha ee gacanta ku haya dhismayaasha ka socda goobtii uu suuqu ku yaallay ayaa u sheegay VOA inay ku faraxsan yihiin hawsha socota ee dhismaha.