Guddiga doorashada Puntland oo ka digay arrin la xiriirta warqadaha diiwaangelinta
Doorashada Puntland
Garoowe —
Guddiga doorashooyinka KMG ee Puntland ayaa ka digay in dadka is diwangeliyay laga aruursado waraaqadda diwangelinta, waxaana ay sheegeen in dhacdooyin badan oo noocan ah dacwadooda lasoo gaarsiiyey.
Guddiga ayaa ka digay oo sheegay in ciddi lagu qabto falkaas sharciga la horgeyn doona.