Guddiga Doorashada oo sheegay in doorashadii Garbahaarey loo wareejiyey magaalo kale

  • Ahmed Ali Sheikh

Muuse Geelle

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay inuu go’aan ku gaaray in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyo magaalada Ceelwaaq.

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in magaalada Garbahaarey aysan doorasho ka dhici karin sababtuna ay tahay inay jiraan caqabado amni.

Waxa uu maamulka Garbahaareey ku eedeeyey “inay diideen” xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey.

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go'aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Go’aanka Guddiga ayaa imanaya ayada oo maanta la dhaariyey inta badan xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxaa soo dhoweeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxaa sidoo kale soo dhoweeyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Warqadda Guddiga