Guddiga dhex-dhexaadinta Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland oo go’aan soo saaray
Madaxda Xisbiyada Somaliland
Hargeisa —
Guddiga Ganacsatada ee dhex-dhexaadinayay xukuumadda Soomaailand iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa xalay soo saaray go’aannadooda kama dambeysta ah ee ku aaddan sidii looga gudbi lahaa muranka dhinaca doorashada ah ee labadaasi dhinac u dhxeeya.
Guddiga ayaa go’aamiyay in mar kaliya la wada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, qodobkaas oo ahaa kan ugu muhiimsan ee uu khilaafku ku saleysnaa.
Sagal Mustafa ayaa warbixintan Hargeysa kasoo dirtay.