Gobolka Soomaalida ee Ethiopia

Gobolka Soomaalida ee Ethiopia

Gobolka Soomaalida ee Ethiopia waxaa ka socota diyaar-garow ku saabsan doorashooyinka deegaanka iyo gobollada ee dhawaan dhici doona.

Ethiopia waxaa maalinta Axadda ah ee soo socota ka biLlaabanaya doorashooyinka deegaanka iyo kuwa baarlamaanka dalkaasi.

Gobollada ay doorashooyinkaasi ka dhici doonaan waxaa ka mid ah gobolka Ismaamulka Soomaalida. Laatan afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa toddobaadkan idin maqashiin doonta barnaamijyo taxane aan ku eegeyno gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia. Gobolkaas ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhado mucaarad ah oo ay ugu weyn tahay tan ONLF.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa collaada u dhaxeysa Ethiopia iyo ONLF.