Kooxda kubbada cagta ee Germany ayaa 4-0 uga awood roonaatay kooxda kubbada cagta ee dalka Australia
Kooxda Germany ayaa ciyaar xiiso badnayn oo ka mid ah tartanka koobka kubbada cagta ee Koonfur Africa waxay kaga awood roonaatay kooxda Australia.
Ciyaartan oo ahayd mid ay kooxda Germany ku gacan saraysay waxay ku soo idlaatay 4-0.
Labadan kooxood waxay ka wada tirsan yihiin group-ka D oo sidoo kale ay ku jiraan labada kooxood ee Ghana iyo Serbia.
Group-ka D waxaa ugu horeeya Germany iyo Ghana oo midkoodba haysta 3 dhibcood.