Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay guddiga KMG ah ee doorashada, kaasoo ka kooban 9 xunood.
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay guddiga KMG ee doorashooyinka.
Guddigaasi oo ka kooban 9 xubnood waxaa 4 ka mid ah magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka, halka 5ta kalena uu soo magacaabay madaxweynaha.
Baarlamaanka ayaa ansixiyay 7 ka mid ah xubnaha guddigaasi oo maanta hor yimid baarlamaanka, iyadoo laba ka mid ah ay maqnaayeen, sababo caafimaad lagu sheegay.