Gaalkacyo: Qalliinka dhinaca indhaha

Gaalkacyo: Qalliinka dhinaca indhaha

Hay'adda MSF Holland ayaa Gaalkacyo ka bilowday barnaamij indhaha loogu fiiqayo dad gaaraya 800 oo qof.

Isbitaalka Koonfureed ee Magaalada gaalkacyo waxaa ka soconaya howl indhaha loogu fiiqayo dad kor u dhaafaya 800 Qof.

Indho-fiiqistan oo lacag la'aan ah ayaa bilaabatay maalintii khamiista ahayd, waxayna soconaysaa muddo 5 cisho ah. Howshan waxaa iska kaashanaya Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF HOLAND iyo Al-Nuur Foundation.

Dadka indhaha loo fiiqayo ayaa ka kala yimid dhamaan gobollada dalka Somalia.