Falanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay duullaanka ay Al-Shabaab ee Itoobiya?

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday tuulooyin ku dhow xadka Itoobiya, waxayna dileen 17 qof oo ay ku jiraan saddex rayid ah iyo saraakiil ka tirsan booliska Itoobiya, halka taliye ka tirsan ciidamada ammaanka Itoobiya uu sheegay in 63 ka mid ah dagaalyahannada al-Shabaab la dilay.

Haddaba maxaa lagu micneyn karaa duullaankan ay Al-Shabaab ku qaadeen xadka iyo gudaha Itoobiya, maxaase xilligan ku soo beegay weerarka noocan ah? Su’aalahan iyo kuwo kale ayuu wariyaheenna Jacfar Kuukaay weydiiyay Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo falanqeeya siyaasadda iyo amaanka geeska Afrika, wuxuuse Jacfar Kukaly ku bilaabayaa warbixin ay arrintan ka qortay wakaaladda warraka Reuters.

Your browser doesn’t support HTML5

Weerarka Al-shabaab ee Itoobiya.mp3