Falanqeyn: Xayiraadda Mareykanka ee madaxda Al-shabaab

Al-Shabaab

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay liiska madaw ku dartay shan xubnood oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa iyana shalay soo saartay liis-ka 26 qof iyo shirkado Al-Shabaab u qaabilsan soo xareynta dakhliga gudaha ee ay kooxdu ku howlgasho.

Shirkadaha la beegsaday ayaa qaarkood ay ka shaqeeyaan Soomaaliya iyo dalal ka tirsan Afrika iyo Carabta.

Haddaba, tallaabadan ay qaadday dowladda Mareykanka maxay u dhibeysaa dhaqaalaha usoo xarooda kooxda Al-Shabaab xilli dagaal adag ay kooxdu kala kulmeyso ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleyshiyaad maxalli ah?

Arrimahan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Cabdisalaan Guuleed oo soo noqday agaasime ku-xigeenka hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA haddana ah Madaxa Eagle Range Services ee ka shaqeysa dhinaca amniga.

Your browser doesn’t support HTML5

Falanqeyn ku saabsan xayiraadda Mareykanka ee Madaxda Alshabaab.m4a