Falanqeyn: Kaalinta ciidamada ATMIS ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

ATMIS

Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in maanta ay ku kulmaan madaxda Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya oo loogu yeero dalalka safka hore, marka laga hadlayo dagaalka lagu jiro ururka Alshabab.

Ujeeddada shirka lagu sheegay dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta deegaannada ay wali ku harsan tahay kooxda Alshabab, sida lagu xusay war-saxaafadeeda ka soo baxay dawladda Soomaaliya maalintii shalay ahayd.

Shirka maanta waxaa ka horeeyey mid shalay ka dhacay isla magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiiradda gaashaandhigga iyo taliyeyasha ciidamada ee dalalka safka hore.

Haddaba, kaalin noocee ah ayaa ciidamada dalalka safka hore iyo guud ahaan kuwa ATMIS ay geysan karaan dagaalka lagula jiro ururka Alshabab.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa su’aalahaas iyo kuwo kale weydiiyey Ismaaciil Osman oo horay u soo noqday ku-xigeen ciidanka sirdoonka Somalia ee NISA.

Ismaaciil Osman ayaa ugu horeyn ka jawaabaya guulihii illaa iyo hadda ay gaareen maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Your browser doesn’t support HTML5

Kaalinta ciidamada ATMIS ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.mp3