Kadib fatahaadihii xooganaa ee ku dhuftay deegaanada Jubaland, waxaa soo baxay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ay geysteen fatahaadahaas, kuwaasi oo sababay barakaca dadka noloshoodu ku tiirsan tahay beeraha.
Dhul beereedyada ay daadku saameeyeen waxay ku yaallaan inta u dhaxaysa Dooloow ilaa Deegaanka Goobweyn. Sidoo kale fatahaadaha ayaa saameeyey nolosha dadkii ka ganacsanayay qudaarta.