Duqeymo maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 7 ruux, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen
Madaafiic lagu tuuray suuqa Bakaaraha ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 7 ruux, halka 13 kale oo rag iyo dumarba iskugu jiraana ay ku dhaawacmeen.
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wax dagaal ahi uuna soconin markii madaafiicdani ay suuqa ku dhaceen.