Waxaa shalay dhammaaday waqtigii loo qabtay in lagu dhammasutiro doorashada kuraasta baarlamaanka Soomaaliya iyadoo ay weli harsan yihiin ilaa 39 kursi.
Dhinaca kale guddiga doorashada heer federal ayaa soo saaray jadwal ay ku sheegayaan in liiska xildhibananada rasmi ahaan loogu dhowaaqi doono 31-ka bishan, iyadoo 14-ka bisha soo socotana la dhaarin doono xildhibaanada. Tallaabadan waxaa markiiba ka hor yimid maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.