Doorashada kursi aad loogu tartamay oo ka dhacday Beledweyne
Doorashada HirShabelle
Beledweyne —
Magaalada Beledweyne waxaa maanta ka dhacaysa doorashada kursi ka mid ah kuwa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Mid ka mid ah kuraastaas ayaa la sheegay inay ku tartameen musharrixiintii ugu tirada badnaa ilaa hadda doorashada Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.