DKMG oo Taageero Caalami ah Dalbatay

  • VOA Somali

DKMG oo Taageero Caalami ah Dalbatay

Madaxweyne Shariif wuxuusheegay in Soomaaliya keligeed aanay xakameyn karin kooxda Xiriirka la leh al-Qaacida ee al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro, iyadoona kooxaha hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda ay ku hanjabeen inay si guud ula wareegayaan gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Codsigan ayaa daba socda isku dayo ay kooxda Al-Shabaab ku qabsan lahayd waddada Makka al-Mukarrama oo muhiim u ah isku xirnaanta goobaha ay dowladdu maamusho.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in al-Shabaab ay wakhti kooban gacanta ku dhigtay waddadaasi, maalintii sabtida ahayd.

Qoraal uu maanta isniintii soo saaray, madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu wuxuu ku baaqay taageero deg deg oo caalami ah. Wuxuu sheegay in Soomaaliya keligeed aanay xakameyn karin, waxa uu ugu yeeray “Kooxda sharta ah ee al-Qaacida ku xiran ee al-Shabaab”.

Al-shabaab waxay isniintii la soo dhaafay dagaal ballaaran ku qaaday ciidamada dowladda iyo xoogagga taageeraya ee nabad ilaalinta Midowga Afrika. Hal weerar oo ay kooxda al-Shabaab ka geysatay Hotel ku yaalla Muqdisho waxay ku dishay inka badan 30 ruux.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in al-Shabaab ay taageerayaan kumanaan dagaalyahanno shisheeye ah.

Midowga Afrika oo ciidamada ka jooga Muqdisho ay gaarayaan 6,000, wuxuu ballan qaaday inuu ku biirin doono ciidamo dheeraad ah.