DKMG oo sii daysay shaqaale Turkish ah

  • Abdulaziz Osman

DKMG oo sii daysay shaqaale Turkish ah

Ciidamada Amniga ee dowladda KMG ee Somalia ayaa galabta sii daayay ku dhawaad 10 shaqaalaha gar-gaarka ka shaqeeyo oo saddex ka mid ah ay yihiin Turkey kuwaasoo la xiray xalay kaddib markii ay gar-gaar gaadhsiiyeen xero qaxooti oo ku taalla deeggaannada al-Shabab ay maamusho.

Xiriiriyaha hay'addaha samafallada ee dowladda KMG, Max'uud Faarax Daahir ayaa VOA u sheegay in sababta loo xiray shaqaalahan ay tahay iyagoo gar-gaar u qaaday dhulka Shabaab ka taliso iyagoon wax ruqsad ah ka qaadan dowladda Somalia.

Max'uud wuxuu sheegay iin shaqaalahan la xidhay xilli ay ka soo noqdeen howl gar-gaar qeybin ah oo ay ka soo fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.