DKMG oo Guddiyo u Saartay Qaraxii Shalay

  • VOA Somali

DKMG ayaa canbaareysay qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqsidho. Dowladdu waxay kaloo magacowday laba guddi oo heer wasiir ah.

Guddiga koowaad ayaa ka shaqeynaya sida uu qaraxu u dhacay, wuxuuna muddo 24-saacadood gudahood soo gudbin doonaa warbixin.

Guddiga labaad ayaa ka howgallaya sidii uu caafimaad dibedda ah ugu raadin lahaa dadkii dhaawacyada culus ay ka soo gaadheen qaraxii tiyaatarka Muqdisho.