Dastuurka Cusub oo La Ansixiyay

Ergada oo u codeynaysa dastuurka

Ergada oo u codeynaysa dastuurka

Ergada dastuurka ayaa Muqdisho ku ansixiyay qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto.

Golahan oo kulamadooda ka bilaabay Magaalada Muqdisho toddobaadkii la soo dhaafay ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dastuurka maanta oo arbaco ah.

621 ergo ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay dastuurka, halka ay 13 ergo ay diideen, 11 kalena ay ka aamuseen.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Warbixinta ansixinta Dastuurka iyo Falanqeyn


Ra'iisul0wasaare Cabdiwali oo saxiixaya dastuurka la ansixiyay

Ra'iisul0wasaare Cabdiwali oo saxiixaya dastuurka la ansixiyay


Dhinaca kalena Intii uu socday kulankii maanta ayaa laba qof oo isa soo miidaamiyay is-qarxiyeen kaddib markii ay isku dayeen iney weeraraan goobta uu shirku ka socday ee dugsiga sare ee booliska.


Saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarka isla markaana qaraxii dhacay uu ku dhintay askari bileys ah iyo labadii ismiidaamiyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Qaraxa