Dagaal ka Dhacay Beledweyne

  • Hussein Dhaqane

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi uu ka dhacay dagaallo u dhaxeeya maamulka Dooxda Shabeelle iyo maleeshiyo hubeysan.

Dagaalkan ayaa bilowdii duhurkii maaanta, waxaana maamulka Dooxada Shabeelle uu VOA u sheegay in cidiamadoodu magaalada ay kula dagaallamayaan maleeshiyo beeleed taageersan kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay dagaalkan imika socda, waxaaa kaloo la sheegayaa in guryo iyo goobo ganacsi ay ku burbureen dagaalkan.