Dagaal galabta ka dhacay deegaanka Budbud

Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta dagaal uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Budbud oo ka tirsan gobolka Galguduud, qiyaas ahaanna dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Galcad.

Saddex ilo wareed oo kala duwan ayaa idaacdda VOA u sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay soo weerareen degaanka Budbud galabta, kadibna halkaasi uu ka dhacay dagaal culus.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay saldhigga ciidamada dawladda ee Budbud ay “cagta mariyeen,” sida ay hadalka u dhigeen, askarna ay ka dileen ciidamada dawladda.

VOA waxay sidoo kale la xiriirtay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo sheegay inaysan xilligan ka hadlaynin xaaladda Budbud.