Dagaal dib ugu billowday deegaanka Goofgaduud

Al-Shabab Al-Shabaab

Warar goor dhowayd naga soo gaaray Gobalka Bay ayaa sheegaya in galinkii danbe ee maanta uu dagaal cusub ka bilowday deegaanka Goofgaduud buuraay oo fariisin ay kuleeyihiin ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Iska hor-imaadka wuxuu u dhaxeeyaa Kooxda Al-Shabab oo weerartay Goofgaduud iyo ciidanka Dowlada Soomaaliya oo halkaas ku sugnaa.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka.

Waxaa deegaanka Goofgaduud wali laga maqlayaa dhawaqa rasaas goos goos ah. Waa markii saddexaad ee al-Shabaab ay soo weerarto Goofguduud maalmo gudaheed.

Goofgaduud ayey Al-Shabaab qabsatay dhowr jeer, hase yeeshee mar kasta dib looga saarayey, waxaana ugu dambeysay dhammaadka bishii tegtay ee July.