Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaa maalintii saddexaad ka soconaya dagaal Beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana maanta mar kale aroortii hore ee saake billowday dagaal la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.
Dhinaca kale waxaa isa soo taraya baaqyada ka imaanaya mas’uuliyiinta Maamulka Jubaland si loo joojiyo colaadda.