Culimada Soomaaliyeed: Waa waajib in lala dagaalamo Al-Shabaab

Culimada Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay kulan diimeed kulahaa magaalada Nairobi, ayaa arrimaha ay ka doodeen waxaa ku jirtay dagaalka dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al shabaab.

Culimadaa ayaa taageeray dagaalka looga soo horjeeda Al shabaab islamarkaana sheegaty inay ay waajib tahay oo ay bannaantahay in maleeshiyaadka Al shabaab la iska difaaco 'maadaama ay halis ku yihiin, dalka, dadka iyo diintuba.'

Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Culimada SOomaaliyeed.mp3