Culimada dowlad deegaanka oo soo saaray baaq ka dhan ah Al-Shabaab
Jigjiga —
Shir ay isugu yimaadeen culumaa’uddiinka ugu caansan gayiga Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itooboya, ayay gababadiisii ay ka soo saareen go’aanno ka dhan ahaa ururka Al-Shabaab.
Culimada diinta ayaa ku tilmaamay dagaalki ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadday deegaannada xadka mid lid ku ah Islaamnimada, kuna baaqay in ka difaacista deegaanka ururka Al Shabab ay tahay waajib diini ah.