Sawirro: Dad Isugu Soo Baxay Isbitaalka Mandela ku Jiro

Dadweyne isugu soo baxay banaanka Isbitaalka Mediclinic ee Pretoria oo lagu daweynayo madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Nelson Mandela iyagoo rajeynaya inuu caafimaado, June 27, 2013.

Caruur agtaagan sawirada iyo dhanbaalada ducada ah ee dadku ay dhigeen banaanka Isbitaalka Mediclinic ee magaalada Pretoria, June 27, 2013.

Gabdhaha uu awoowaha u yahay Nelson Mandela ee Zazi Dlamini-Manaway iyo Tukwini Mandela oo ay warbaahintu isku gadaameen iyagoo maraya banaanka Isbitaalka Mediclinic ee magaalada Pretoria, June 27, 2013.

Koox dadweyne ah oo heeso qaadaya iyagoo taaggan albaabka Isbitaaka Mediclinic ee magaalada Pretoria, June 27,2013.

Banaanka Isbitaalka Mediclinic ee magaalada Pretoria ayaa caruur isugu soo baxday waxa ay kor u tuurayaan 95 buufin ay ugu dabaal dagayaan dhalashadii Madaxweyne Nelson Mandela oo ku beegan bisha danbe, June 27, 2013.

Caruur iyo qoysaskooda oo heesta "Amazing Grace" ka qaadaya banaanka Isbitaalka Mediclinic ee magaalada Pretoria iyagoo wata shumacyo taageerona u muujinaya Mandela, June 26, 2013.

Nin sawiraya muuqaalka madaxweynahii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela isagoo taagan banaanka Isbitaalka Mediclinic ee magaalada Pretoria, June 26, 2013.

Qof taageera ah oo dhanbaal ay ku qoran yihiin erayo duco ah suraya banaanka Isbitaalka Mediclinic ee magaalada Pretoria, June 26, 2013.

Haweeney xiran dheg uu ku sawiran yahay madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Nelson Mandela oo taagan banaanka Isbitaalka Mediclinic ee magaalada Pretoria, June 26, 2013.