Waxaa maanata dalka Koonfur Afrika ka bilawday ciyaarihii koobka kubadda cagta ee adduunka ee aadka loo sugayay.
Dalka Koonfur Africa waxaa si rasmi ah uga bilowday tartanka ciyaaraha koobka Adduunka.
Furitaanka ciyaaraha maanta oo loo dhigay xafladdo fara badan iyo damaashaadyo, waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxweynayaal iyo marti sharaf..
Ciyaarta furitaanka ayaa waxaa lagu bilaabay kooxda martigalinaysa koobka ee Koonfur Africa iyo kooxda Mexico. Ciyaartaasi oo ahayd mid xiiso badan waxay 90-kii daqiiqo ku soo afjarantay bar bar dhac 1-1.
Ciyaartii labaad, waxaa iska horyimid kooxaha France iyo Urugway. ciyaartaasi oo ahayd mid adag, farsamo ahaanna aad u heer saraysay ayaa waxay ku soo idlaatay 0-0.