Ciidamda NTC oo iska caabin la kulmay

Ciidamda NTC oo iska caabin la kulmay

Ciidamada Maamulka KMG ah ee Libya ayaa iska caabin xoogan ay ka soo wajahday magaalooyinka Bin Walid iyo Sirte.

Dagaalyahanada Golaha Qaranka Ku meelgaarka ah ee Libya ayaa iska caabin xoogan kala kulmay axadii, xoogagga taabacsan hogaamiyihii hore ee dalkasi Mucamar Al-Qadaafi, labo magaalo oo ay weli ku harsanyihiin, iyadoo dhimaca kale Golahu ay dib u dhigeen ku dhawaaqista dowlad cusub

Maamulka Ku Meel gaarka ah ee Libya ayaa horey u qorsheeyay ineey shir jaraa’id kaga dhawaaqaan Jagooyin Wasiiro, laakiin afhayeen u hadlay golaha, Mahmoud Jibril ayaa u sheegay warfidiyeenka daqiiqadii ugu dambeeysay, in wada xaajoodyo socday ay dib u dhigeen ku dhawaaqista wasiirada, ilaa iyo waqti aan la cayimin

Ciidamada Taabacsan Qadhafi ee ku sugan magaalada saxaraha ku taala ee Bani Walid ayaa kula dagaalamay dagaalyahanada Maamulka KMG ah ee Libya, hoobiyeyaal culus, iyo dagaalka dhuumaaleysiga ah, ka dib markii ay isku dayeen ineey ka galaan magaaladaasi dhinaca waqooyi

sidoo kale gantaalo ayaa dul marayay dagaalyahanada Golaha ku meel gaarka ah oo ku sii siqayay magaalada uu qadaafi ku dhashay ee Sirta

saraakiishu waxeey sheegeen in dagaalkii ugu dambeeyay ee magaaladaa ka dhacay ineey ku dhinteen ugu yaraan 10 qof ugu yaraan 40 kalena ay ku dhaawacmeen