Ciidamada Jubaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Buulo Xaaji

Ciidamada Jubaland, dagaal

Dagaal khasaare gaystay ayaa saaka ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji, kaasi oo dhex maray ciidamada Jubaland iyo kooxda Al-Shabaab.

Jubaland ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale Jubaland ayaa faahfaahin ka bixisay sababta ay Raaskambooni uga joojiyeen diyaaradaha, iyadoona maalmihii dambe dowladda federaalka ay ciidamo ka dajinaysay deegaankaasi.

Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa arrimahaas ka wareystay afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada Jubaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Buulo Xaaji