Ciidamada Galmudug oo weerar ku qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab
Ciidamada Soomaaliya
Ceelbuur —
Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa ku warramaya in ciidamo ka tirsan Galmudug ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayen maleeshiyada Al-Shabaab.
Saraakiisha maamulka Galmudug ayaa sheegay in hawlgalka ay ku dileen labo ka tirsanaa maleeshiyada oo ku sugnaa deegaanka Baruujeed oo hoos taga Guriceel.