Ceelbuur —
Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa ku warramaya in ciidamo ka tirsan Galmudug ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayen maleeshiyada Al-Shabaab.
Saraakiisha maamulka Galmudug ayaa sheegay in hawlgalka ay ku dileen labo ka tirsanaa maleeshiyada oo ku sugnaa deegaanka Baruujeed oo hoos taga Guriceel.
Wariyaha VOA-da ee Gaalkacyo, Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa khadka telefonka kula xiriiray gudomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale oo uu wax ka weydiiyey faahfaahinta dagaalka.
Your browser doesn’t support HTML5
Ciidamada Galmudug oo weerar ku qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab