Ciidamada dowladda oo qabsaday magaalada Ceelbuur

Ciidamada Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankeedu uu qabsaday degmada istaraatiijiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay degmadaasi ka carareen.

Jeneraal Axmed Aadan, Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya ayaa VOA u xaqijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanku ay goor dhaweyd gudaha u galeen degmada Ceelbuur.

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku hayay kooxda al-Shabaab tan iyo sanaddii 2017 oo ay dib u qabsadeen.

Qabashada Ceelbuur ayaa noqonaya guul-darro xooggan oo kooxda Al-Shabaab soo wajahaday, maadama u ahaa fadhiisinkii ugu weynaa ee kooxdu ay ka joogtay bartamaha Soomaaliya.

Waxyar kahor inta aanay ciidankau gudaha u gelin magaalada, ayaa Jeneraal Axmed Aadan, taliyaha ciidamada lugta ee Soomaaliya waxa uu u warramay weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada dowladda oo galay magaalada Ceelbuur